XIGASHO LAACIB.NET
Xiddigii hore ee khadka dhexe John Obi Mikel ayaa lagu eedeeyay inuu ku tilmaamay halyeyga Toni Kroos “mid laga waalay”, isagoo sheegay in isaga uu ka fiicnaa Kroos, balse farqiga kaliya uu ahaa inuusan u ciyaarin Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, Kroos ayaa kaga falceliyay arrinta bartiisa Instagram, isagoo si kooban u yiri: “Haddaba maxaad adigu ugu ciyaari weyday Real Madrid?”
Hadalkan ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada, iyadoo taageerayaal badan ay xuseen guulaha waaweyn ee Kroos uu la gaaray Real Madrid, oo ay ku jiraan shan koob oo Champions League ah.
Dhanka kale, sanadkii hore Mikel ayaa beeniyay warar sheegaya inuu yaraystay guulaha Champions League ee ay gaareen xiddigaha Real Madrid, oo Kroos ka mid yahay.
Illaa hadda ma cadda in Mikel si dhab ah u dhaleeceeyay Kroos, ama inay warbaahintu ay buunbuunisay hadalka.
XIGASHO LAACIB.NET
