XIGASHO LAACIB.NET

Halyeeyga Real Madrid, Toni Kroos, ayaa si weyn u ammaanay daafaca dhexe ee cusub ee kooxda, Dean Huijsen, kaas oo si dhakhso leh tiir muhiim ugu noqday difaaca Los Blancos.
Kroos, oo ka hadlayay mid ka mid ah barnaamijyadiisa podcast-ga, ayaa yiri:
“Real Madrid waxay heshay daafac dhexe oo dhamaystiran, Dean Huijsen. Waa mid xooggan marka uu ku dagaallamayo kubbadaha cirka, waa mid dhakhso badan, sidoo kale aad ayuu ugu fiican yahay inuu ka dhiso kubbadda gadaal.”
Huijsen ayaa durba caddeyay inuu yahay ciyaaryahan aan kursiga keydka lagu hayn karin, inkasta oo uu dhawaan kusoo biiray kooxda Spain.
XIGASHO LAACIB.NET
