Nin Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Ninkan dillka toogashada ah lagu dilay ayaa ka dhacay meesha ay iska jaraan labadda wado ee Chicago iyo 6th Street ee u dhow garoonka U.S. Bank Stadium iyo Isbitaalka Hennepin.

Booliiska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ninkan la toogtay xalay saacada Mareykanka markii ay ahayd 9:00 habeenimo.

Sidoo kale booliiska ayaa sheegay in dhowr xabadood lagu dhuftay ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 30-meeyo, waxaana dherarkiisa lagu qiyaasay 5’10”.

Ninkan ayaa markiiba ku geeriyooday goobta lagu toogtay, waxaana la sheegay in ay goobta ka carareen dadkii toogtay.

Booliska ayaa sheegay in ay raadinayaa dadkii toogashada geystay, waxayna u malaynayaa dhismayaal u dhow meesha toogashaddu ka dhacday in ay ku carareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here