Dagaalyahanada Tigray ayaa baaritaan guri-guri ah ka sameeyay magaalada Dessie halkaas oo ay ka raadinayeen hub kadib markii ay qabsadeen magaalada Dessie, sida dadka deegaanka ay BBC u sheegeen.

Fallaagada TPLF ayaa sabtidii la wareegtay magaaladan muhiimka ah, dowladda Itoobiya ayaa beenisay sheegashada kooxda isla markaana ku tilmaantay waxbo kama jiraan.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan in maanta ay magaalada cidlo tahay iyadoo la xiray xarumaha ganacsiga, waxaana magaalada ka maqan korontada iyo isgaarsiinta.

Markii baaritaanka ay TPLF ka sameyneysay magaalada Dessie waxay dadka weydinayaan inay arkeen ciidamada dowladda ama in kale.

Magaalada Dessie- oo ku taalla gobolka Amxaarada ayaa waxaa ka dhacay dagaal xooggan maadama ay ku taallo marin istratiiji ah, waxaana dhexmaraa waddooyinka isku xira caasimadda Addis Ababa, caasimadda gobolka Amxaarada iyo dalka Jabuuti.

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here