Hay’ad u doodda xuquuqda Aadanaha oo fadhigeedu yahay Itoobiya ayaa xoogagga TPLF ku eedeysay in ay dishay 184-ruux oo rayid ah kuna sugan Ismaamulka Amxaarada intii u dhaxeysay July ilaa August 2021.

Hay’adda ayaa sheegtay “in Dadka la dilay intooda badan maskax ahaan aanay wanaagsaneen” qaarkood ayaa la arkay jirkooda muddo kaddib waxaana ka muuqday toogasho bareer ah oo ay u geysteen dagaalyahannada TPLF.

Sababta loo toogtay Dadkaan ayaa qiil looga dhigtay in ay Sirdoon u yihiin Ciidanka Federaalka oo dagaal xooggan ay ku wajahayeen TPLF & Maleeshiyaadka kale garabka ku siinaya dagaalka ka dhanka ah Xukuumadda Abiy Ahmed.

Daniel Bekele oo ah Madaxa Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa dhibaatooyinka ka dhacay dalkaas ku tilmaamay kuwo dhaawacaya Bulshada isla markaana kordhinaya dhibaatooyinka sida Toogashada, Barakaca & Xaaladda oo sii xumaata.

Warbixinnada ay soo gudbiyaan kooxaha Xuquuqda Aadanaha waxaa gaashaanka ku dhufta Xukuumadda Abiy Ahmed & Xoogagga TPLF, waxaase marag ma doonta ah in labada dhinac ay galeen dambiyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here