Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arinta Iiran mar kale ka hadlay kadib dhacdadii shalay ciidamada Mareykanku gudaha xeyndaabka Dalka Iiran ku soo rideen diyaarad dagaal oo ah nuuca aan duuliyaha lahayn ee Drons taasoo ay leeyihiin milateriga Iiraan.
Donald Trump oo aan toos u abaarin ridista drons-ka Iiran ayaa sheegay in wada-xaajoodyada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan aysan weli socdaan,sidoo kalana la sii wadi doono ilaa xal ay wada gaaraan labadoda dhinac si looga baaqsado howlgal Milateri oo ka dhan ah IIraan.
Trump wuxuu aad ugu dheeraaday inuu si dadban ugu hanjabo Iiraan isagoo soo xasuusiyay howlgalkii sanadkii hore uu ku duqeeyay goobaha nuyukleerka Iiraan,wuxuu si jees jees u eg carabka ugu akeenayaa in Iran dooneyn in mar kale ay ku dhacdo duqeyn taas la mid ah.
“Waxay rabaan inay wax sameeyaan,inaguna waa inan aragnaa inaan jawaab dhab sameyno iyo inkale,hore wixii ay isugu dayeen inay sameeyaan oo ay fursadana u heleen ma aysan shaqeyn,waana tii aan fulinnay Hawlgalkii Midnight Hammer,hada ilama aha inay rabaan mar kale in howlgalkaasi uu ka dul dhaco lakin waxaan dhii karnaa taas badalkeeda wada xaajood ayay diyaar u yihiin” ayuu yiri Trump
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
