HomeWarkiiTrump oo soo hadal qaaday mudadii uu socday dagaalkii 1-aad iyo 2-aad...

Trump oo soo hadal qaaday mudadii uu socday dagaalkii 1-aad iyo 2-aad ee Dunida

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Militariga Mareykanka ayaa sheegaya inay qorsheynayaan inay weerar dhanka dhulka ah ku qaadaan Dowlada Iiraan taasoo aan la ogeyn waxa ka dhalan kara,walow dadka dagaalada qiimeeya ay adkeynayaan in Mareykanku ku jabi doono dagaal dhulka ah.

Mareykanku wali ma cadeyn dalka dariska la ah Iiraan ee ay dhexmari doonaan Ciraaq ma Dal kale madaama si kale Mareykanku dagaal dhulka ah ugu qaadi karin Iiraan oo heysata hub casri ah iyo ciidamo aad u diyaarsan gaar ahaan kuwa kacaanka Iiran,warbaahinta Mareykanka ayaa tabineysa inay ciidamada Milateriga  Mareykanku isku diyaarinayo weerar dhanka dhulka ah oo uu ku qaado Iiraan.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sharaxad ka bixiyay waqtiga uu qaatay dagaaladii hore sida kii adduunka 1-aad iyo 2-aad iyo dagaaladii ka danbeeyay sida kii labada Kuuriya iyo kii Mareykanka iyo Vietnam.

•Dagaalkii 1aad ee Adduunka: 1 sano, 7 bilood, 5 maalmood.
•Dagaalkii 2aad: 3 sano, 8 bilood, 25 maalmood.
•Dagaalka Kuuriya: 3 sano, 1 bil, 2 maalmood
•Vietnam: 19 sano, 5 bilood, 29 maalmood
•Ciraaq: 8 sano, 8 bilood, 28 maalmood
Annaga hadda Iiraan waxaan ku jirnaa 32 maalmood.
Fiiro gaar ah;
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -