Madaxweynaha Mareykanka DonaldTrump ayaa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Congareeska Mareykanka ka dib markii ay dhawaan ku eedeysay in Madaxweynaha uu qeyb ka yahay siyaasadda Arrimaha dibada ee fashilan gaar ahaan xaaladdaha dalka Yemen.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar iyo Joe Biden oo ah Musharaxa la tartamaya ay doonayaan in dad muhaajiriin ah ay soo galiyaan Mareykanka.

“in 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Xilli uu la hadlaayay taageerayashiisa Madaxweyne Trump wuxuu aad ugu soo celceliyay magaca Ilhaan ilaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.

” Ilhaan Cumar Waxay Jeceshahay Yaman Laakiin Ma Jecla Dalkeena ” ayuu mar kale yiri Trump.

Khilaaf xoog leh oo dhanka Siyaasada ah ayaa ka dhex taagnaa Madaxweyne Trump iy Ilhaan Cumar dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here