WASHIONGTON (DAYNIILE.COM)-Kadib kulan shalay ay ku yeesheen aqalka cad Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan xili arinta Iiran ay ka wada hadlayeen islamarkaana Netanyahu u ol-oleynayay in weerar lagu qaado Iiran.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ka diiday Netanyahu dagaal wuxuna taas badalkeeda ku akeystay in la sii wado wada-xaajoodka dhanka nabada ee Mareykanku kula jiro Iiraan.
Sidoo kale Netanyahu wuxuu qorsheynayaa inuu Trump ku cadaadiyo in la gaaro heshiis aan ku koobnayn joojinta kobcinta yuraaniyamka Iiraan, balse wuxuu rabaa Netanyahu in Mareykanku Iiran ka joojiyo ama ugu yaraan laga xadido barnaamijkeeda gantaallada ridada dheer ee loo yaqaan Ballistic-ga ah iyo sidoo kale in Iiran lagu cadaadiyo inay joojiso taageerada ay siiso kooxaha Xamaas iyo Xisbullah.
Trump wuxuu u sheegay Netanyahu in ujeeddadiisu tahay in marka hore fursad la siiyo diblomaasiyadda, kadib hadii ay socon weyso markaas talaabo Milateri uu ka qaado Dowlada Iiraan xili Iiraaniyiintu maalmahaan danbe u muuqdaan kuwo ka gabanaya dagaal ay la galaan Mareykanka.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMFo

