HomeWarkiiTrump muxuu ka yiri aqoonsiga Israa'iil ee Maamulka Somaliland

Trump muxuu ka yiri aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay talaabadii shalay ay qaaday Israa’iil markii ay shaaciyeen inay Dowlad ahaan u aqoonsadeen Maamulka Smaliland kaasoo ka mid ah maamul Goboleedyada Somalia.

Trump oo wareysi siiyay Wargeyska Washington Post ayaa sheegay inaysan iyagu taageersaneyn talaabadaasi inkastoo uusan cambaareyn hadana si gaabis ah ayuu uga hadlay xili uu ka jawaabayay su’aalo wargeysku weydiiyay.

Trumo waxaa la weydiiyay inay iyaguga wadada soo hayaan oo aqoonsanayaan Somaliland, wuxuuna uga jawaabay inay Mareykan ah aaad uga fiirsanayaan oo aysan ku degdegeyn inay aqoonsadaan maamulka Somaliland.

Trump wuxuu sidoo kale u sheegay wargeyska New York Post inuusan aqoonsan doonin Somaliland  isagoo intaa ku daray ineysan ka war heyn qof si dhab ah u og waxa Somaliland tahay taasoo uusan sii carabaabin.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu aad u muujiyay inuu ilaalinayo xirirka kala dhexeeya dalalka Islaamka sida Sucuudiga,Turkiga iyo Masar,sidoo kale wuxuu xusay xiririka kala dhexeeya dalalka geeska Afrika kuwaasoo badankood garab u ah Dowlada Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -