WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay ka soo talaabay talabooyinkiisii uu bilahaan danbe ku aflagaadeynayay Soomaaliya isagoona markaan ugu hanjabay Somalia inuu soo weerari doono.
Madaxweyne Trump wuxuu ku hanjabay inuu weerari doono Burcadda Soomaalida ee maraakiibta weerara, taasoo horaba u jirtay lamana yaqaan waxa uu hada ula jeedo  Madaxweyne Donald Trump weerarkaani cusub.
“waxaan ula dagaallamayaa sida aan ula dagaallannay kuwa ka ganacsada daroogada.” ayuu yiri Donald Trump.
Nuuca weerarkiisa mar uu ka hadlayay Donald Trump ayuu xusay inay Gantaalo la dhici doonaan kooxaha loo yaqaan burcad badeeda Soomaalida bilaa sabab sida uu warka u dhigay .
Sidoo kale Trumo ayaa gabi ahaanba inkirey jiritaanka Somaliya isagoo sheegay ineysan dalba ahayn wuxuuna xusay in Somalia uusanba garaneyn.
Sidoo kale wuxuu ku celiyay in Soomaalida Ameerikaanka ku dhaqan Minnesota inay sameeyeen xatooyo walow dhawaan mar uu warbaahinta la hadlayay qirey in Sooamalidu yihiin dad caqli badan oo sida loo noolaadana garanaya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
