WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Sida Warbaahinta Dunidu goor dhaw shaaciyeen Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada Dalkiisu weeraraan Dalka Venezuela oo maalmihii ugu danbeeyay ay xiisad kala dhexeysay islamarkana uu ciidamo badan ku daad gureeyay xeebaha dalkaasi.
Trump wuxuu amarkiisa koowaad ku bxiyay in la duqeeyo dalka Venezuela si gaar ah xarumaha militari ee dalkaasi taasoo ka dhalan karta dagaal toos ah oo labada dal dhexmari doonta inkastoo isku awood aysan ahayn.
Wararka ku dhaw dhaw Washington ayaa sheegaya in weerarku bilaban karo ama maalmaha soo socda ama saacadaha soo socda mar hadii Trump uu amarka weerarka siiyay wasaarada dagaalka Mareykanka.
Dalka Venezuela oo xiriir wanaahsan la leh Dalka Ruushka waxaa la rumeysan yahay inay heystaan hub tayo leh oo isaga caabin karaan Mareykanka intey la gaartaba walow dhanka dhaqaalaha ay macquul tahay in dhibaatadu kaga timaado, marka lagu eego indhaha istaratiijiyada dagaalka wax badan ma sii dagaalami karaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
