HomeWarkiiTrump oo amrey in diyaaradaha dagaalka F-35 loo adeegsado Venezuela

Trump oo amrey in diyaaradaha dagaalka F-35 loo adeegsado Venezuela

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha F-35 loo diro Puerto Rico xilli ay soo baxayaan warbixin uu ku miisaamayo fursadaha weerarrada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha daroogada ee ka howlgala gudaha Venezuela.

Ilo-wareedyo ku sugan Maraykanka ayaa Jimcihii u sheegay wakaaladaha wararka in 10 ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah loo dirayo garoon diyaaradeed oo ku yaala Puerto Rico, taas oo qayb ka ah hawlgallada ka dhanka ah kooxaha daroogada ee Latin America oo ay Washington u aqoonsatay argagixisada.

Telefishinka Maraykanka ee CNN, oo soo xiganaya ilo badan, ayaa Jimcihii sheegay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo weerarrada ka dhanka ah kooxaha daroogada ka ganacsada ee gudaha Venezuela, taas oo calaamad u noqon doonta xiisadda ka dhex aloosantay Washington iyo Caracas.

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa jimcihii ugu baaqay Mareykanka in uu ka tanaasulo qorshihiisa isbedelada nidaamka rabshadaha ee Venezuela iyo dhammaan Latin America.

“Maraykanku waa inuu ixtiraamo madaxbannaanida, xaqa nabadda, madaxbannaanida,” ayuu yidhi Maduro.

“Waan ixtiraamayaa Trump,  kala duwanaanshiyaha ma keeni karo isku dhac militari,” ayuu yidhi.

Maduro waxa uu abaabulay militariga Venezuela, oo tiradooda lagu sheegay 340,000 oo askari, xilli toddobaadyo ay socdeen hanjabaado Mareykan ah, iyo xubno kayd ah iyo xubno maleeshiyaad ah, kuwaas oo uu sheegay in ka badan sideed milyan.

“Haddii Venezuela la soo weeraro, waxay isla markiiba geli doontaa xilli halgan iyo dagaal hubaysan,” Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha horaantii toddobaadkan.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -