WASHINGTON(DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa caawa mar kale horyimid Warvaahinta isagoo si xun u aflagaadeeyay Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Trump oo hadalka jeediyay kadib shirkii uu Caawa Golaha Wasiiradiisa la yeeshay ayaa Somalia ku kutilmaamay Dal aan jirin, Dal uraya, oo qashin ah, sidoo kale wuxuu ku tilmaamay Dal dadkiisu tuugo yihiin, islanarkaana Musuq iyo Boob caan ku ah.
Sidii markii hore uu sheegay wuxuu ku celiyay Soomaaliya inaaney ka jirin wax Dowlad ah oo xili kastana ay ka jiraan dagaalo iyo in dadku is dilaan,
Sidoo kale mar uu ka hadlayay Soomaalida heysata dhalashada Dalka Mareykanka ayuu laftigooda ku yiri ka baxa dalkeena idiinma baahnin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIOLE.COM

