HomeWarkiiTrump oo daanyeero ku tilmaamay Barack Obama iyo Xaaskiisa 

Trump oo daanyeero ku tilmaamay Barack Obama iyo Xaaskiisa 

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Waxaa warbaahinta Dunida iyo Marekanka aad loogu shaaciyay si weyna baraha bulshada u qabsaday muuqaal lagu soo shaaciyay baraha bulshada uu sida gaarka ah u leeyahay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaasoo loogu gafay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle.

Muuqaalka ayaa Barack Obama iyo xaaskiisa loogu ekeysiiyay Daanyeero taasoo keentay in Xisbiga Dimuquraadiga uu aad uga caroodo lagana dalbaday Trump inuu raali gelin ka bixiyo balse arin kale oo lala yaabay aya noqotay in Trump diday raali gelin inuu ka bixiyo.

Trump wuxuuba ku dooday in qaar dhaqaalihiisa ka mid ah ay muuqaalka soo dhigeen walow xili uu qiil u raadinayo raali gelin inuu ka bixiyo, si kastaba saacado kadib muuqaalka waa laga saaray.

Senatarka Tim Scott oo ah ninka kaliya ee Madow kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa mar uu arintaani ka hadlayay wuxuu xusay in dhacdadaani tahay tii  ugu cunsuriyadda badnayd abid uu ku arko Aqalka Cad.

Hoggaamiyaha xisbiga ee Golaha Wakiillada Mareykanka Hakeem Jeffries oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa ku tilmaamay Trump mid maskax ahaan xanuunsan oo aan isku dheellitiranayn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -