Sida aan ka soo xiganay BBC Somalia Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in laba markab oo ah kuwa xambaara Nukliyeer ah “la dhigo gobollada ku habboon” isaga oo ka jawaabaya hadallada “daandaansiga aadka u weyn” ee madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev.
Trump ayaa sheegay in uu u dhaqmay islamarkana ay tallaabadisu tahay “haddii ay dhacdo in hadalladan nacasnimada ah iyo kuwa xanafta leh ay yihiin kuwa intaas ka badan.
Hadallada waa kuwo aad muhiim u ah, waxayna inta badan keeni karaan cawaaqib aan loo baahnayn, waxaan rajeynayaa in tani aysan noqon mid ka mid ah xaaladahaas” ayuu intaa raaciyay.
Ma uusan sheegin halka la geeyay labada markab, iyadoo la ilaalinayo nidaamka ciidamada Mareykanka.
Medvedev ayaa dhawaan u hanjabtay Mareykanka isagoo ka jawaabaya go’aankii Trump ee Moscow ee ahaa in uu ogolaado xabbad joojin laga sameeyo Ukraine, haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabatayn adag.
Ruushka iyo Mareykanka ayaa heysta hubka Nukliyeerka ah ee ugu badan adduunka, waxaana labada dal ay heystaan maraakiib Nukliyeer xambaarsan.
Qoraalka Jimcihii ee Truth Social, Trump wuxuu ku yiri: “Iyada oo ku saleysan hadallada aadka u kicinaya ee madaxweynihii hore ee Ruushka, Dmitry Medvedev, oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Ammaanka ee Xiriirka Ruushka, waxaan amar ku bixiyay in laba maraakiibta Nukliyeerka ah la dhigo gobollada ku habboon”.
Madaxweynaha Mareykanka ma uusan sheegin in uu ula jeeday maraakiibta quusta ee ku shaqeysta nukliyeerka ama hubka nukliyeerka ah qoraalkiisa uu so dhigay barta bulshada ee Truth Social.
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta galinkii dambe ee jimcaha, Trump wuxuu yiri: “Hajabaado ayaa la sameeyay, mana u malaynayn inay ku haboon tahay. Markaa waa inaan aad u taxaddaraa.
“Waxaan taas u sameeyaa iyada oo lagu saleynayo badbaadada dadkayaga, hanjabaad waxaa sameeyay madaxwaynihii hore ee Ruushka, waxaanan ilaalin doonaa dadkayaga.”
Kremlin-ka ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin arrintan, balse suuqa saamiyada Moscow ayaa aad hoos ugu dhacay ka dib hadalka Trump.
Trump iyo Medvedev ayaa muddooyinkan dambe ku lug lahaa weeraro shaqsiyadeed oo ka dhan ah midba midka kale oo barraha bulshada ay isu marinayeen.
Waxay timid ka dib markii Trump uu qabtay waqti cusub oo Putin uu ku soo afjarayo dagaalka 8da Agoosto – taas oo Putin uusan muujin wax calaamad ah.
Taas ka hor Isniintii, Trump wuxuu qabtay “10 ama 12” maalmood oo kama dambays ah. Horaantii bishii July wuxuu ugu hanjabay Ruushka canshuuro ba’an oo lagu beegsanayo Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo haddii Putin uusan ku soo afjarin dagaalka 50 maalmood gudahood.
