Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii la soo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid uu ku saxnaa

Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka kaasoo isku bedelay mid rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale waxaa uu wax fool xun ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.

Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto caro aad u xoog badan iyo kacdoon cusub oo ay sameyn doonaan taageerayaashiisa.

“Waxay ila tahay in howsha xil ka qaadista ay sababeyso caro xad dhaaf ah oo ka dhalan doonta waddankeenna. Anigu ma doonayo qalalaase,” ayuu yidhi Trump.

Aqalka Wakiillada ayaa lagu wadaa inay maalinta Arbacada ee berri ah u codeeyaan qodobka dastuurka ee xil ka qaadista loogu sameynayo Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here