Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu ‘qabtay’ madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores oo laga dhoofiyay dalka ka dib markii ay “weerar ballaaran” ku qaadeen.
Goor sii horreysay, dowladda Venezuela waxay ku eedeysay Mareykanka inuu weeraray saldhigyo rayid iyo militari oo ku yaal gobollo badan, maadaama ay diiday “gardarrada militari” ee Washington. Dowladda Madaxweyne Maduro ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo heer qaran ah kadib weeraradii isdaba jooga ahaa.
Weeraradan ayaa yimid ka dib bilo ay xiisad u dhaxeysay Mareykanka, kaasoo ku eedeeyay madaxweynaha Venezuela Maduro inuu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada. Maduro ayaa beeniyay eedeymaha. Khamiistii, Maduro waxa uu tilmaamay in uu u furan yahay in uu kala xaajoonayo Maraykanka heshiis lagula dagaalamayo ka ganacsiga daroogada.
Mareykanka ayaa in ka badan 20 weerar oo cirka ah ka fuliyay badda u dhow Venezuela tan iyo bishii Sebtembar, iyadoo uu ku soo rogay cunaqabateyn iyo cadaadiska militari ee Caracas.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
