HomeWarkiiTrump oo ku dhawaaqay xabad joojinta Gaza xili Isra'iilna xasuuqa sii wado

Trump oo ku dhawaaqay xabad joojinta Gaza xili Isra’iilna xasuuqa sii wado

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xabbad joojinta Qaza la gaari karo usbuuca soo socda xili weerarada Israa’iil ay sii socdaan, iyadoo in ka badan 60 qof lagu dilay guud ahaan Qaza Jimcihii.

Xafiiska warbaahinta ee Gaza ayaa sheegay in muujinta warbaahinta Israel ee ah in askarta lagu amray inay si ula kac ah u toogtaan falastiiniyiinta gaajeysan ee doonaya gargaarka inay caddayn dheeraad ah u tahay dambiyada dagaal ee laga galayo Gaza.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in goobaha gargaarka lagu qaybiyo ee ay maamusho hay’adda gargaarka ee Gaza ee Maraykanka iyo Israa’iil taageerto (GHF) ay isku badaleen meelo lgu xasuuqo shacabka reer Qaza.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 56,331 qof, waxaana ku dhaawacmay 132,632, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMLIVE: Outrage over report Israeli troops ordered to shoot Gaza aid seekers

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -