HomeCiyaarahaTrump oo ku hanjabay inuu bedeli doono jadwalka FIFA 2026 – “haddii...

Trump oo ku hanjabay inuu bedeli doono jadwalka FIFA 2026 – “haddii magaalo ammaan aysan ahayn, waan beddeli doonaa!”

XIGASHO LAACIB.NETMadaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muran dhaliyay kadib markii uu sheegay in uu si shaqsi ah u faragelin doono jadwalka FIFA si dib loogu raro ciyaaraha Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ee ka dhici doona magaalooyinka Maraykanka, haddii uu u arko magaalooyin aan ammaan ahayn.

Isagoo ka hadlayay Xafiiska Oval Office Arbacadii, Trump ayaa yiri:

“Haddii qof shaqadiisa si xun u qabanayo, ama aan dareemo in xaalad amni darro jirto, waxaan wacayaa Gianni — madaxa FIFA — oo ah qof cajiib ah, waxaanan ku oran doonaa: ‘Aan u rarno meel kale.’”

Trump wuxuu ula jeeday Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino.

11-ka magaalo ee Maraykanka martigelin doona ciyaaraha — Atlanta, Boston, Dallas, Houston, Kansas City, Los Angeles, Miami, New York/New Jersey, Philadelphia, San Francisco, iyo Seattle — ayaa la sheegay inay si gaar ah u hoos iman doonaan qorshahan cusub, iyadoo Trump si gaar ah uga walaacsan yahay magaalooyinka ay hoggaamiyaan dimuqraadiyiinta sida Seattle iyo San Francisco.

Trump ayaa muujiyay kalsooni weyn oo uu ku qabo saameyntiisa, isagoo raaciyay:

“ Sidaas wuu yeeli karaa. Ma jeclaan lahayn inuu sidaas sameeyo, balse si fudud buu u samayn karaa.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -