Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa socdaalkiisii ​​ugu horeeyay ee Asia Pacific ka bilaabaya tan iyo markii dib loo doortay isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka ASEAN ee Malaysia.
Trump wuxuu saaka ka degay Dalka Malaysia halkaaso si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaa lagu wadaa in dalkaasi uu maanta oo axad ah kaga qeybgalo heshiis ay kala saxiixanayaan dalaka Thailand iyo Cambodia kuwaasoo bishii Luulyo ku dagaalamay xuduuda ka dhexeysa.
Sidoo kale Trump wuxuu ka qeybgeli doonaa shirka saddexda maalmood ah ee ay isugu imaanayaan wadamada Koonfur Bari Aasiya,waxyaabaha looga hadli doono waxaa ka mid ah Tariifyada iyo helista macdanta naadirka ah,shirkaan waxaa dul huwanaya ama uu salka ku hayaa dagaalka ganacsiga ee Maraykanka iyo Shiinaha iyo loolanka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya
Trump ayaa shirka Assia ka hor wuxuu Maleysia ku shir gudoomin doona heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Thailand iyo Cambodia.
Safarka Trump ee lixda maalmood ah ayaa sidoo kale wuxuu booqan doonaa Japan iyo South Korea, halkaasoo la filayo inuu si fool ka fool ah ula kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping markii ugu horeysay tan iyo markii uu dib u soo galay Aqalka Cad.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
