HomeWarkiiTrump oo mar kale shaqada ka eryay boqolaal shaqaalaha VOA-da

Trump oo mar kale shaqada ka eryay boqolaal shaqaalaha VOA-da

Sida ay shaacisay BBC-da Dowlada Mareykanka ee uu hogaamiyo Donald Trump ayaa shaqada ka erisay ilaa 500 ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha warbaahinta VOA-da oo hore inta badan dunida sida Somalia looga joojiyay shaqadii ay hayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shaqaalaha la eryay ay dhanyihiin 532 ruux kuwaasoo Dowladu markaan ku eedeysay  xagjirnimo.

Idaacada VOA waxaa markeedii hore la aas’aasay dagaalkii labaad ee dunida markaasoo Mareykanku kaga hor tagayay dacaayadaha warbaahinada Jarmalka ee xiligaasi uu dagaalku kala dhexeeyay.

Kari Lake oo ah ku-simaha agaasimaha guud ee VOA oo ka hadashay talaabadaani u danbeeya ee maamulka Trump ku eryay boqolaal shaqaale VOA-da ah ayaa shaacisay in arintaani yareyneyso qaab dhismeedka shaqo,sidoo kalana bad-baadinaya qarashaadka shacabka Mareykanka.

Dhanka kale waxaa sharci daro ku tilmaamay talaabadaani Dowladu qaaday Urur wakiil ka ah shaqaalaha VOA-da.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -