Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ogolaaday inuu hub siiyo Dowlada Ukraine tan iyo markii bishii janaayo uu si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha dalkiisa xili madaxweynihii ka horeeyay uu si joogto ah hub u siin jirey Ukraine.
Hubka kaydka Mareykanka ayaa laga siin doonaa marka wasaarada gaashaandhiga ay bilowdo fulinta amarka Trump ee hub siinta Dowlada Ukarine oo uu ku socdo weerar kaga imaanaya Ruushka mudo sedex sano ah.
Iyada oo la isticmaalayo awoodda Madaxweyne Trump waxaa lagu wadaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Ukraine u heli doonto saanad hub ah si ay isaga diaacaan Ruushka inkastoo uu xadidan yahay hubka Ukraine uu siin karo mareykanka.
Talaadadii Trump oo ka hadlayay arintaani ayaa si cad u sheegay inay hub badan u rari doonaan Ukraine inkastoo uusan carabaabin nuuca hubka uu siinayo Ukraine iyo tiradiisa intaba.
Warbaahinta dunida qaarkood sida BBC-da ayaa hadal heysa inay macquul tahay in Mareykanku markaan siiyo Ukraine gantaalada difaaca ee Patriot loo yaqaano iyo gantaalada riddada dhexe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COm
