WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dhigiisa Ruushka ‘uu og yahay halka aan taaganahay’ dadaalka lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda,Madaxweyne Donald Trump ayaa hanjabaad khafiif ah u diray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku aaddan Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka Trump wuxuu uga digay cawaaqib aan la cayimin haddii uusan aqbalin dadaalada nabada ee lagu joojinayo dagaalka kala dhexeeya Ukraine.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Aqalka Cad Arbacadii, Trump wuxuu sheegay inuu qorsheynayay inuu la hadlo Putin maalmaha soo socda, laakiin hogaamiyaha Ruushka uu ka warqabay mowqifka maamulkiisa ee dagaalka.
Hadalka Trump ayaa yimid ka dib markii Putin uu horay u sheegay in uu diyaar u yahay in uu Moscow kula kulmo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy xilli uu madaxweynaha Mareykanka riixayo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
“Donald wuxuu iga codsaday kulan noocaas ah, waxaan ku idhi, haa, waa suurtagal, Zelenskyy ha yimaado Moscow” ayuu yiri Putin.
Putin hadaladaani wuxuu yiri dhamaadkii booqashadiisa Shiinaha, halkaas oo uu kaga qaybgalay xuska Beijing ee sannad-guuradii 80-aad ee jabkii Japan ee dagaalkii labaad ee aduunka.
“Weligay meesha kama saarin suurtagalnimada kulankaas,” ayuu mar kale yiri Putin oo intaa ku daray in Moscow ay ku guulaysan doonto hadafkeeda Ukraine ciidan ahaan haddii ay heshiin waayaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha oo ka jawaabayay faallooyinka Putin ayaa sheegay in ay jiraan soo jeedinno halis ah oo ay sameeyeen toddoba waddan si ay u martigeliyaan kulanka labada hoggaamiye, kaas oo Zelenskyy uu diyaar u ahaa waqti kasta
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIIL.COM
