WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la soo sheegaya inuu saxiixay inay ka baxeen Hay’ado Caalami ah oo sida uu sheegay aan u adeegeyn danaha Mareykanka waxaana ka mid ah Hay’ado hoos taga Qaramada Midoobey.
Hay’adahaan Trump sheegay inay ka baxeen waxaa tiradooda lagu sheegay 66 Hay’adood waxaana ka mid ah sanduuqa Qaramada midoobay iyo kuwa kale sida Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan isbeddelaka cimilada iyo kuwa kale oo badan.
Talaabada Trump qaaday ayaa daba socota qorshayaal uu siyaasadiisa ku bilaabay markii dib loo soo doortay isagoona dalalka dunida inta badan ku qaaliyeeyeyay canshuurta laga qaado badeecadaha ay Mareykanka geystaan taasoo colaad badan u abuurtay iyadoo dalalka waa weyn qaarkood sida Shiinaha iyaguna dhankooda kaga aar guteen inay iyaguna canshuur badan saaraan badeecadaha Ganacsatada Mareyanku geystaan Shiinaha.
Sidoo kale dabeecadaha Trump dunida ku soo kordhay ee dhanka canshuuraha ,hay’adihii uu caawin jirey inuu shuruudo ku xiro,sidoo kale dalalkii ay caawin jireen ee dalalka soo koraya inay ka jaraan dhaqaalaha waxaas oo dhan waxaa u sii dheer uu ku bar bar wadaga dagaalada ama weerarada awood sheegashada ah ee Mareykanku wado iyadoo maalmo ka hor ay ahayd markii Trump amray in la soo qabto Madaxweynaha Dalka Venesuela taasoona dhacday oo ilaa Maxkamad ay soo taageen isagoo jeebeysan isaga iyo waliba xaaskiisa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
