HomeWarkiiTrump oo shaaciyay inuu isku dayi doono inuu Ukraine usoo celiyo qayb...

Trump oo shaaciyay inuu isku dayi doono inuu Ukraine usoo celiyo qayb ka mid ah dhulka ay Ruushku ka xoogeen

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweyne Trump ayaa isniintii sheegay in uu filayo in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu jimcaha yimaaddo kulankooda Alaska islamarkaana ay ka wada xaajoon doonaan  heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Trump wuxuu xusay in wixii ka soo baxa kulanka uu jimcaha la leeyahay dhigiisa Ruushka uu u gud-bin doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky markaasna ay u furan tahay ama uuba kula talinayo inuu nabad sameeyo ama inuu sii dagaallamo.

Waa maxay sababta ay muhiim u tahay: Trump wuxuu soo jeediyay inuu diyaar u yahay inuu kala xaajoodo Putin cidda helaysa qaybaha Ukraine dagaalka ka dib, xitaa wuxuu sheegay inuu isku dayi doono Ukraine inuu u soo celiyo qeybo ka mid ah dhulka ka maqan oo Ruushku ku qabsaday dagaalka.

Dhanka kale  Midowga Yurubna ayaa ka walaacsan in dhex dhexaadinta uu wado Trumo iyo soo jeedintiisa nabada uu Ruushku aqbali karo.

Dhawaan safarkii uu Ruushka ku tagay ergayga Trump ugu qaabilsan Bariga dhexe Steve Witkoff kadib ayuu Trump ku hakiyay cunaqabatayntii lagu dhawaaqay Jimcihii madaama jimcaha uu la kulmi doono Putin si uu cadaadis ugu saaro inuu nabad qaato.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -