HomeWarkiiTrump oo shaaciyay kalsoonida uu ku qabo fulinta hanjabaaddiisa uu hore ugu...

Trump oo shaaciyay kalsoonida uu ku qabo fulinta hanjabaaddiisa uu hore ugu jeediyay dadalka Yurub.

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka  Mareykanka Donald Trump ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu boqolkiiba boqol fulin doono hanjabaaddiisa uu hore ugu jeediyay reer Yurub inuu canshuurta ku kordhin doono hadii ay ka soo horjeedsadaan qorshihiisa uu ku doonayo inuu ku qabsado Jaziirada Greenland.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan canshuuraha uu hore ugu hanjabay inuu saarayo ganacsiyada ka yimaada ku dhawaad 10 dal oo reer Yurub sida Britain oo kale xili sii dheer tahay inay Mareykanku adeegsadaan awood Milateri si danhooda ay u gaaraan.

Madaxda Dalalka Reer Yurub oo u jawaabayay Trump ayaa adeegsaday ereyo culus iyagoona muujiyay midnimo ay awood milateriga oo ay ku difaacayaan madax-bannaanida Jaziirada  Greenland  oo ka tirsan Dalka Denmark oo xitaa gaashaan buurta NATO ku jira.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Denmark ayaa carabka ku adkeeyay ineysan macquul ahayn in Mareykanku hanjabaad ku qabsado Jaziirada Green-land oo dhulkodoa ka tirsan,Sidoo kale Dowlada Britain ayaa sheegtay in mustaqbalka Greenland kaliya ay go’aamin karaan Dowlada Denmark iyo Maamulka ka jira Jaziiradaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -