HomeWarkiiTrump oo sheegay inuu dib u dhigay weerar uu ku qaadi lahaa...

Trump oo sheegay inuu dib u dhigay weerar uu ku qaadi lahaa Iran

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu dib u dhigay weerar qorsheysan oo lagu qaadi lahaa Iran, kaddib codsi uga yimid Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana uu intaa ku daray in hadda ay socdaan wadahadallo culus.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa yiri “wadahadalka macnaheedu maaha is dhiibid”, iyo in Tehran ay wadahadalka la gashay si sharaf, maamul, iyo ilaalinta xuquuqda qaranka”.

Weerarada dilaaga ah ee Israa’iil ay ku hayso Lubnaan ayaa sii socda, iyadoo ugu yaraan toddobo qof la sheegay in la dilay Isniintii inkasta oo Maraykanku dhexdhexaadiyay “xabad joojin” muddo kordhin ah oo ay ku heshiiyeen saraakiisha Lubnaan iyo Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay Isniintii in ugu yaraan 3,020 qof ay ku dhinteen 9,273 ay ku dhaawacmeen duqeymaha iyo duullaanka Israel ee dalka tan iyo 2-dii Maarso.

Cambaareynta ayaa sii kordheysa ka dib markii ciidamada Israel ay mar kale ku qabteen doomo marayey marinka gargaarka ee Qaza, iyadoo la sheegayo in ilaa 47 markab lagu qabtay biyaha caalamiga ah iyo boqolaal qof oo u ololeeya afduubka.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -