HomeWarkiiTrump oo si cad u shaaciyay inay Ukraine siin doonaan Gantaalada difaaca...

Trump oo si cad u shaaciyay inay Ukraine siin doonaan Gantaalada difaaca hawada

trumpWASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeyay  si cad u sheegay inuu nidaamka difaaca hawada ee Patriot u diri doono Dowlada Ukraine iyada oo maamulkiisu muujinayo niyad jab sii kordhaya oo uu ka qabo diidmada Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ah in uu wada xaajood ka galo soo afjarida duulaanka Moscow.

“Waxaan u diri doonaa Patriots, kuwaas oo ay si aad ah ugu baahan yihiin,” ayuu yiri Trump mar uu saxafiyiinta la hadlayay isagoo jooga Joint Base Andrews ee Maryland Axadii shalay

Trump wuxuu sheegay inuusan go’aansan tirada gantaalada  Patriot ee uu u diri doono Ukraine, laakiin waxuu carabka ku adkeeyay inay xoogaa siin doonaan madaama ay u baahan yihiin sida uu xusay.

Hadalka Trump ayaa imaanaya ka dib markii uu todobaadkii hore xaqiijiyay in maamulkiisu uu go’aansaday inuu hub ka iibiyo xulafada NATO ee Yurub si ay ugu sii gudbiyaan Kyiv.

Trump ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan uu la kulmo xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte si ay uga wadahadlaan qorshayaashiisa ku wajahan in uu hub geeyo Kyiv.

Safarka Rutte ee Washington, DC ayaa ku soo beegmaya iyadoo Trump uu ku jeesjeesay inuu maalinta Isniinta si weyn uga hadli doono arimo ku saabsan Ruushka.

Axadii, Axios, oo soo xiganaya laba ilo oo aan la magacaabin, ayaa sheegay in ku dhawaaqida Trump ay ku jiri doonto hubka loo adeegsado dhanka weerarka oo uu sidoo kale ka iibin doono  Ukraine.

Trump wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay diidmada Putin ee ah inuu ogolaado heshiis nabadeed Ka dib markii uu dhawaam u ololeeyay ballan qaad ah in si degdeg ah loo soo afjarayo dagaalka Ukraine.

In kasta oo Putin uu ogolaaday in muddo kooban la hakiyo dagaalka, haddana waxa uu dib u dhigay soo jeedintii Maraykanka ee xabbad-joojin 30 maalmood ah oo shuruud la’aan ah.

Ruushka ayaa ku dooday in hindisahan oo ay aqbashay Ukraine ay Kyiv fursad u siinayso in ay dib u habeyn ku sameyso ciidamadeeda oo ay dib u hubeeyaan.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -