HomeWarkiiTrump oo weerar duqeyn ugu hanjabay Iiran hadii ay mar kale toogtaan...

Trump oo weerar duqeyn ugu hanjabay Iiran hadii ay mar kale toogtaan shacabka mudaaharaadka dhigaya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya inuu argeliyo xiisada ka dhex taagan mudaaharaadayaasha reer Iiraan iyo Dowladooda xili hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan si cad u sheegay in Mareykanku hurinayo banaan-baxayaasha dalkiisa ka dhacaya.

Madaxweyne Trump wuxuu si cad u sheegay inay maqcquul tahay inuu ciidamada Mareykanka amro weeraro Milateri oo ka dhan ah Dowlada Iiraan hadii ay sii wado toogashada shacabka dhigaya banaan-baxa ee Magaalooyinka Iiran ka socda kuwaasoo isu soo baxooda ku muujinaya sida ay Dowladooda uga soo horjeedaan.

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa la soo sheegayaa in wali socdo dibad baxayaasha shacabka Iiraan kuwaasoo laga dareemayo caasimada Tehran iyo Magaaooyin kale sida warbaahinta caalamiga ah soo tabinayaan inkastoo internet-ka la jaray.

Shacabka isu soo baxa dhigaya waxay ku dhaqaaqayaan ereyo ka dhan ah hoggaamiyaha ugu sarreeya, Ayatollah Khamenei sida ha dhinto oo kale.

Masuuliyiinta Iiraan ayaa ku eedeynaya Mareykanka inuu ka shaqeynayo sidii ay usii hurin lahaayeen banaan baxayaasha rabshadaha wata ee dalkeeda ka socda,iyadoo Hogaamiyaha Iiraan uu ku eedeeyay shacabka dalkiisa ee wada banaan-baxa burburiyayaal doonaya inay ay ku farxad gelinayaan talaabada ay qaadayaan Madaxweyne Trump.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -