HomeWarkiiTurkey,Masar iyo Qatar oo heshiiska Dagaalkii Qaza la saxiixday Mareykanka

Turkey,Masar iyo Qatar oo heshiiska Dagaalkii Qaza la saxiixday Mareykanka

SHARM SHEIKH (DAYNIILE.COM)-Shirka Caalamiga ah ee ka socday Dalka Masar gaar ahaan Magaalada Sharma Sheekh ayaa la soo sheegayaa in gabagabadiisa Nabda Qaza waxaa heshiis ku kala saxiixday Madaxweynayaasha Dalalka Masar ,Turkey iyo Qatar oo wakiil ka ahaa Dadka iyo dadka reer Falastiin iyo Madaxweynaha Mareykanka oo wakiil ka ahaa Israa’iil.
 “Waxay nagu qaadatay 3000 sano in aan halkaan soo gaarno — waana heshiis sii jiri doona.” ayuu yiri Trump oo hadalo kooban ka jeediyay goobta.
Trump wuxuu shirka iyo saxiixa heshiiska ka sheegay in mar kasta warbaahinta iyo baraha bulshada laga sheego in dagaalka 3-aad ee dunida uu ka bilabanayo bariga dhexe laakiin uu heshiiskani beeniyay.
“Mar walba way sheegayeen in Dagaalkii Adduunka Saddexaad uu ka billaaban doono Bariga Dhexe — taas ma dhici doonto.” ayuu mar kale yiri Trump.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa shirka ka amaanay Madaxweynaha Mareykanka isagoo sheegay inuu ka hor tagay khatar weyn oo caalamku wajihi lahaa .
“Madaxweynaha Mareykanka Taariikhdu waxay magaciisa ku xardhaysa xarfo dahab ah.”ayuu yiri Madaxweynaha Pakistan.
“Hindiya iyo Pakistan waa laba dal oo leh hub nukliyeer ah,haddii uusan Trump ahayn cidina ma ogaan lahayn waxa dhici lahaa, waxaa macquul ahayd in labadeena dal naga dhex qarxi lahaa dagaal ba’an oo burburiya labadeenna dal” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
May be an image of dais, the Oval Office and textMay be an image of dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -