Mac-hadka daraasaadka Africa ee Dalka Mareykanka ayaa shaaciyay warbixin dadka Sooomaaliyeed aad u niyab jabin kara taasoo ah xiriirka ka dhaxeeya Alsabaab iyo dalalka kaalmeeya Dowlada Somalia.
Mac-hadkaan wuxuu sheegay in Dowladaha dhex ee awood ahaan soo koraya ee Islaamkana ah sida Turkey,Imaaraadka iyo Qadar ay dhamaantood si ku mid ah u maalgeliyaan Dowlada Somalia iyo Alshabaab taasoo la micno ahaan inaan laga adkaan karin Alshabaab.
Warbixintaan Mac-hadku uu kaga hadlay xiriirka ka dhexeeya dalalkaani iyo Alshaabab ayaa sidoo kale xusay in iyaga dhexooda xita aysan heshiis ahayn sida Turkey iyo imaaraad oo dhinac ah kana soo wada hor jeeda Imaaraadka ayaa waxay Somalia iyo dalal kalaba waxay ka dhigteen masrax ay iyagu isku heystaan oo ku tartamaan.
Warbixinta oo dheereyd waxaa ku jirtay in xitaa Xisbiga haysta talada dalka Turkiga uu xiriri la leeyahay kooxo Islaamiyiin ah oo Somalia ka jira sida Ictizaam oo kale, sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in turkigu iyo Qadar dhaqaale badan ku bixiyaan alshabaab iyagoo xitaa mashaariic ka fuliya gudaha meelaha Alshabaabku heystaan.
Warbixintaan oo aan u wanaagsaneyn dhagaha shacabka Somaliyeed ee rajada ka lahaa mar uun inuu dalkeenu hgaago ayaa ku soo aadeysa xili ilihii dhaqaalaha ee Muqdisho lagu aaminsay Dowlada Turkiga oo qandaraas lagu siiyay ,sidoo kale Turkiga waxay Dowladu u ogolaatay inay Somalia ka sameystaan saldhiga ugu weyn ee Turkisom iyo walia saldhiga dayax-gacmeedka oo dhawaan Turkigu ka hirgelin doono Somalia.
Dhanka kale Dowlada Qadar ayaa soo celiysay qorshe ay hore dhowr mar usoo hadal qaaday taasoo ah inay dhex dhexaadineyso Dowlada Somalia iyo Alshabaab si heshiis nabadeed labada dhinac u gaaran lamana saadaalin karo in talaabadaasi horu dhac u u tahay sidii ka dhacday Dalka Afgaanistaan oo si lama filaan ah xukunka dalka loogu wareejiyay kooxda Daalibaan oo awalba Dowladu dagaalka kula jirtay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
