ANKARA (DAYNIILE.COM)-Kadib markii dhawaan warbaahinta Dunida iyo baraha bulshada Soomaalida uu qabsaday heshiis amni oo dhexmaray Dowlada Somalia iyo Turkey ayaa waxaa arintaasi markii ugu horeysay ka hadashay Dowlada Turkey.

Sarkaal u hadlay wasaarada Gaashaandhiga Turkey ayaa cadeeyay inuu jiro heshiiskaasi isagoona carabka ku adkeeyay in ujeedkiisu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga Amniga Somalia iyo Turkey.

Sarkaalkaan wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in awalba  in Ankara ay tababar siinaysay ciidamada Soomaaliya in ka badan toban sano

Advertisement

“Heshiiska cusub ujeedkiisu waa in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya”ayuu yiri Sarkaalkaasi u hadlay Turkiga

Dowalda Turkiga waxay sidoo kale cadeysay in heshiiskaani uu ku jiro in Somalia laga caawiyo sidii ay u yeelan lahayd ciidan badeed awood u leh inay iska difaacaan kuwa badahooda dhibaatada ku haya sida falalka sharci darada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.

“madaama aan hore uga caawinay la dagaalanka argagaxisada hadana waxaan gacan ka geysan doonnaa dhanka amniga badda hadii ay Dowlada Somalia naga dalbato”ayuu yiri Sarkaalkaasi ka tirsan wasaarada gaashaandhiga Turkey

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMaxkamada G/banaadir oo waqti u qabatay dacwad loo heysto masuuliyiin Dowlada ka tirsan
Next articleMeeqa Masuul ayaa la dharbaaxi lahaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here