War ka soo baxay Agaasimaha ee shirkadda Baykar Selçuk Bayraktar ayuu ku sheegay inay si rasmi ah u bilaabeen hirgelinta saldhigg Dayax-gacmeed kaasoo ay ka hirgelinayaan Somalia xili Dowlada Somalia hore u bixisay dhulka oo ku yaal duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Masuulkaan Turkiga u hadlay wuxuu xusay in saldhiga Somalia ay ka dhisayaan ay addeegsan doonto shirkadda hormuud u ah tiknoolajiyada gantaalada ee Turkiga ee loo yaqaan Roketsan.
Dhulka Turkigu dhisanayaan waxaa uu ku fadhiyaa 30 KM waxaana Shirkada Roketsan ee Hormuudka u ah tiknoolajiyada gantaalada ee Turkiga ay saldhigaan ka fulinaysa hawlgalladeeda gaarka ah ee dayuuradaha hawada sare u kacaya.
Sidoo kale warbixinta marka la eego waxaa la dhihi karaa waxbaa ka jira warkii Israa’iil madaama Turkigu laftigoodu cadeeyeen in howshaan waxa wada ay tahay Shirkada Roketsan ee Hormuudka u ah tiknoolajiyada gantaalada Turkiga.
Warka Turkiga ka soo baxay wuxuu ku soo aadayaa xili dhawaan Israa’iil sjheegtay in waxa turkigu dhisayo yihiin saldhig gantaal ee uusan ahayn mid dayax gacmeed iyagoo ka muujiyay cabsi ,si kalana digniin u direen Dowlada Somaia madaama Turkiga iyo israa’iil isku kacsan yihiin kadib markii Israa’iil si toos ah ula safatay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
