Dowlada Turkiga oo ka mid ah dalalka Dunida ee lagu yaqaan soo saarista hubka iyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ayaa soo saaray diyaarad cusub oo nuuca dagaalka ah gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn.
Diyaaradaan aan duuliyaha lahayn ee Turkiga soo saaray oo ay ugu magac dareen Kızılelma ,waxay awood u leedahay inay hawada kula dagaallanto diyaaradaha dagaalka waliba kuwa miigaga loo yaqaan ee waliba casiga ah danbe ah.
Dowlada Turkiga durba tijaabo ayay ka qaadeen diyaaradooda aan duuliyaha lahayn,waxayna durba hawada kula dagaallantay diyaaradda F-16 ee Mareykanka uu soo saaro, wararka ka soo baxaya tijaabadaan ayaa lagu sheegay in diyaarada turkiga awood u yeelatay inay xirto oo ka hortagto wax weerar inay fuliso diyaarada Mareykanka ee F-16.
Dhanka kale diyaarada Kızılelma ee turkiga waxay iyadoo awood u leedahay inay toos gantaalo ula beegsatay miiga Mareykanka oo aan awood u yeean inuu is difaaco.
Si kastaba wax soo saarkaa n cusub wuxuu turkiaga ka dhigay , dalkii u horreyay ee soo saara diyaarad aan duuliye lahayn oo awood u leh inay la dagaallanta miigaga duuliyaha leh,horumarkaan Turkigu ku talaabsaday waxay ku soo aadeysa xili diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dunida ka yaabshay ay hore Turkidu u sameeyaay sida Bayrakdaar oo dagaalo badan guulo ka soo hooyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
