Twitter ayaa ka codsanaya macaamiishiisa inay ka caawiyaan la dagaallanka wararka been abuurka ah.

Waxay ku dhawaaqday barnaamij tijaabo ah oo oggolaanaya in dadku ay soo sheegaan qoraallada bartaas la soo dhigo ee laga yaabo inay been abuur yihiin amaba dadka lagu marin habaabinayo.

Barnaamijkan, oo loogu magac daray ‘Birdwatch’, ayaa makrii hore lagu tijaabiyay koox yar oo ku nool Maryekanka. Shirkadda ayaa garwaaqsan in laa yaabo in hannaankan cusub laga hor yimaado.

Shirkadaha sida Twitter ayaa eegaya sida ugu wanaagsan ee ay wax uga beddeli karaan barahooda.

 

Twitter ayaa shalay yiri: “Waan ognahay tan inay noqon karto mid aan isku toosneyn dhibaatooyinna ay la soo dersi karaan mararka qaar, balse waxaan aaminsan nahay inay mudan tahay isku day.”

Twitter, iyo shirkado kale oo baraha bulshada ah oo waaweyn, ayaa la dalaa dhacayay inay wxa ka qabtaan warbixinnada marin habaabinta ah ee barahooda lagu soo wadaago.

Barnaamijka tijaabada ah ayaa dadka isticmaala bartaas wuxuu u oggolaan doonaa inay calaameeyaan qoraallada ay rumeysan yihiin inay yihiin “marin habaabin ama been abuur”, iyagoo keenaya caddeyn.

Kaddib calaameyn kale oo badan ayaa la saari doonaa qoraalladaas.

Twitter ayaa sheegay in qaabkaan cusub uu ka caawin karo inuu si degdeg ah wax uga qabto faafitaanka warbixinnada marin habaabinta ah.

 

Twitter ayaa hore u lahaa qaab loo calaameyn karo wararka been abuurka ah. Tusaale ahaan, qoraallo badan oo la xiriray sheegashadii been abuurka ahayd ee Donald Trump ayay shirkaddu calaameysay.

Twitter ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameynaya xaqa ka saaridda qoraallada – mararka qaarna waxaaba laga yaabaa inuu akoonka ka xiro macmiilka – sida uu ku sameeyay madaxweynihii Mareykanka kaddib rabshadihii horraantii bishan ka dhacay magaalada Washington.

Dadka barnaamijka ka qeyb galaya ayaa laga doonayaa inay keenaan nambar la hubo iyo iimeyl, iyo sidoo kale inay xaqiijiyaan inaysan hore u jebin shuruucda Twitter-ka.

Madaxweyne Biden ayaa khudbaddiisii caleema saarka ku yiri: “Waa inaan diidnaa dhaqanka xaqiiqda la barxayo, amaba la farsameynayo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here