HomeCiyaarahaUEFA oo ka jawaabtay baaq lagu dalbanayo in Israel laga mamnuuco tartamada...

UEFA oo ka jawaabtay baaq lagu dalbanayo in Israel laga mamnuuco tartamada Yurub

XIGASHO LAACIB.NET

Xiriirka kubadda cagta Yurub (UEFA) ayaa mar kale caddeeyay mowqifkiisa ku saabsan doodda la xiriirta in Israel laga mamnuuco tartamada qaaradda, iyadoo la barbar dhigay xaaladdii Ruushka sanadkii 2022 markii ay ciidamada Moscow galeen Ukraine.

Markaas, dhamaan kooxaha Ruushka iyo xulka qaranka ayaa laga joojiyay ka qeybgalka tartamada UEFA.

Haddase, iyadoo colaadda ka taagan Gaza ay sii xoogeysanayso – halkaas oo in ka badan 80,000 qof lagu dilay, oo ay ku jiraan ku dhowaad 17,000 carruur ah – waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan in la qaadi karo tallaabo la mid ah tii Ruushka oo ka dhan  Israel.

Kooxaha reer Israel ayaa wali loo oggol yahay inay ka qeyb galaan tartamada Yurub, Kooxda Maccabi Tel Aviv, oo ku guuleysatay horyaalka Israel, ayaa xilli ciyaareedkan ciyaareysa Europa League, waxaana ka qeyb galaya tartanka kooxo ay ka mid yihiin Aston Villa, Lyon, Dinamo Zagreb, PAOK, Midtjylland, SC Freiburg, Bologna iyo VfB Stuttgart.

Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday The Times, kooxaha ka qeybgalaya Europa League ayaa si hoose u weydiiyay UEFA in ay suuragal tahay in laga baaqsado in la wajaho Maccabi Tel Aviv.

Hase yeeshee, UEFA waxay sheegtay in aysan jirin wax codsi rasmi ah oo kooxo soo gudbiyeen, isla markaana xeerarka hadda jira aanay oggolaaneyn in kooxo ay diidaan la ciyaarista koox Israel ah.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -