XIGASHO LAACIB.NET

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ayaa shaaciyay darajada horyaallada ugu fiican Yurub, xilli ciyaareedka 2025/26 oo bilowday bishan Agoosto.
Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee UEFA, Premier League ayaa kaalinta koowaad kaga jira horyaallada Yurub, iyadoo lagu saleeyay qiimeynta shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ee kooxaha dal walba, taasoo lagu cabbiro natiijooyinka tartamada Champions League, Europa League iyo Conference League.
Horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska, halka Serie A ee Talyaaniga uu ku jiro kaalinta labaad.
LaLiga (Spain) ayaa ku jira kaalinta saddexaad, Bundesliga (Germany) kaalinta afraad, halka Ligue 1 (France) uu dhammaystirayo shanta sare.
10-ka horyaal ee ugu sarreeya Yurub:
- England 🇬🇧
- Italy 🇮🇹
- Spain 🇪🇸
- Germany 🇩🇪
- France 🇫🇷
- Netherlands 🇳🇱
- Portugal 🇵🇹
- Belgium 🇧🇪
- Turkey 🇹🇷
- Czechia 🇨🇿
XIGASHO LAACIB.NET
