HomeWarkiiUgaas Maxamuud Ugaas Cali iyo ganacsato ku biiray dadaalada lagu bajinaayo banaan...

Ugaas Maxamuud Ugaas Cali iyo ganacsato ku biiray dadaalada lagu bajinaayo banaan baxa beri ee mucaaradka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo xiisad dagaal ay ka taagan tahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wali  socdda dadaalo dhex dhexaadin ah oo la doonayo in lagu xaliyo xiisadaasi iyadoo talaabada ugu wanaagsana loo arko baajinta banaan baxa ay iclaamiyeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Ganacsatada kala ah Mursal Kadiye iyo Ibraahin Kaah ayaa hada goor dhaw oo  caawa ah ku biiray dadaalada waxayna durba gurigiisa kula kulmeen Gudoomiyaha Madasha mucaaradka samatabixinta Shariif Sh.Axmed iyagoona kala hadlay daminta xiisada iyo iyo joojinta banaan baxa beri lagu balansan yahay.

Dadaalada dhex dhexaadinta oo ka kala  socda Hotel Jazeera iyo guriga Xildhiban Shariif Sh Axmed ayaa waxaa kala hogaaminaya dhanka Hoteelka Xildhibaan Dhageey, Senator Dhagdheer iyo Xildhibaan Saabir Shuuriye, halka tan guriga Shiikh Shariif ay hogaaminayaan  Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Ganacsade Ibraahin Kaah.

Shacabka Muqdisho oo sedex sano nabad ku noolaanaya ayaa aad uga walwalsan xiisadahaan dagaal ee maalmahaan ku soo kordhay caasimada kuwaasoo siyaasad lugaha kula jira iyo isku heysadka kursiga ugu sareeya dalka ee Madaxweynaha Soomaaliya,shacabka ayaa ka war dhowraya sida Dowlada hada jirta u maareyso xiisada taagan xili mucaaradku aad ugu hubeysan yihiin magaalada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -