MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ugaaska Beesha Mursade ayaa ka sheekeeyay guriga Xildhibaan Jacfar oo uu tan iyo shalay galab uu ku go’doonsan yahay isaga iyo Odayaal kale sida Imaamka iyo Ugaaska Muddulood kadib shir jaraa’id uu xalay saq dhexe qabtay.
Ugaaska wuxuu sheegay xalay in guriga ay joogaan ay Dowladu ku garaacday tira madaafiic ah gaar ahaan kuwa hoobiyaha loo yaqaan,Ugaaska wuxuu Dowlada ugu baaqay inay dagaalka iyo go’doonka ka joojiso si ay uga soo baxaan goobta isaga iyo odayaasha la go’doonsan.
“Ciidamada Dowlada waxay nala dheceen Hoobiyayaal anagoo hal qol iskula jirna,Madaxda Dowlada ee Amarka bixisay waxaan leeyahay ka waantooba berri ayaad noqoneysaan siyaasiyiin banaan joog ahe oo walibana aad wajihi kartaan waxa aad mant sameyneysaan” ayu yiri Ugaaska Beesha Mursade
Ugaaska wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay Dowlada inay xitaa u diideen inay siiyaan wado ay odayaasha uga baxaan guriga ku yaal Degmada Howlwadaag oo markii horaba ay u tageen howlo nabadeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
