BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo Galabta ah gaaray Magaalada Baladweyne Wafdigii uu hogaaminayay Ugaaska Beesha Xawaadle kuwaasoo Muqdisho ka soo safray kadib markii ay ku soo hungoobeen inay helaan xilka ugu sareeya Maamulka Hirshabelle.
Boqolaal shacab ah ayaa si weyn Ugaaska waxay ugu soo dhaweeyeen gudaha Garoonka Diyaaradaha Baladweyne waxaana wafdigiisa ka mid ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yuusuf Dabageed.
Ugaaska oo hadalo kooban ka jeediyay soo dhaweyntiisa lagana dareemayay caro badan ayaa ku dhawaaqay dagaal isagoona shacabka reerkiisa faray in qofba meel ka soo baxa sida kii dagaalami kara ama kii dhaqaale bixin kara taasoo muujineysa in Ugaasku iclaamiyay dagaal ay la geli doonaan Dowlada Somalia iyo Hirshabelle.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
