HomeWarkiiUganda oo shaacisay in Mareykanku qorseynayo inuu Xukunka Somalia ku wareejiyo Alshabaab

Uganda oo shaacisay in Mareykanku qorseynayo inuu Xukunka Somalia ku wareejiyo Alshabaab

KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidamada guud ee Milateriga Uganda oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Dalkaasi ayaa si cad warbaahinta ugu sheegay in ciidamadooda ay kala baxayaan Somaliya madaama Mareykanka iyo Alshabaab uu heshiis dhexmaray.

Taliiyahaan wuxuu sidoo kale daboolka ka qaaday inay xog ku hayaan in sida suuriya iyo Afgaanistaan Mareykanku doonayo inuu la heshiiyo kooxaha lagu xagliyo urur weynaha Alqacida sidaas daraadeedna uu Alshabaab la rabo inuu dalka dhan xukunkiisa ku wareejiyo.

“ciidamadeena waan kala baxeynaa Somalia kadib markaan ogaanay in Mareykanku la heshiiyay Alshabaab islamarkaana uu doonayo inuu dalka Somalia ku wareejiyo”ayuu yiri Taliyaha Uganda.

Heshiiskaani ayuu sarkaakaani sheegay inuu yahay mid qarsoodi ah inkastoo uusan soo bandhigay cadeyma la xiriira halka heshiiska uu ka dhacay iyo cida labada dhinac u kala mataleysay.

“waxan heynaa xog sheegeysa inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Mareykanka iyo dagaalamayaasha Alshabaab sidaas daraadeed ayaan uga soo baxeynaa Somalia”ayuu yiri Taliyaha gud ee ciidamada Uganda.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -