Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay meel u dhow garoon diyaaradeed oo ku yaalla caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan ee dalka Yemen.

12 qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qarax kale oo Sabtidii dhacay kaas oo Ra’iisul Wasaare Mu’een Abdulmalek Saeed uu ku tilmaamay fal “argagixiso” ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in haween iyo caruur ay ku jiraan dadka ku dhintay halkaas.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda. Warbaahinta gudaha ayaa xustay in weerarku uu ku soo beegmay xilli uu garoonka ka soo degay guddoomiyihii hore ee Cadan.

 

BBC

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here