Dalka Indonesia gaar ahaan Jasiiradda Bali waxaa ku dhuftay dhul gariir Cabirkiisa lagu qiyaasatay 4.8 Magnitude, ugu yaraan 3-ruux ayaa geeriyootay inta la xaqiijiyay waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

Jasiiraddaan oo ah mid loo dalxiis tago ayaa u xirneed Xayiraadda Covid-19 inkasta oo Dowladdu bilawday in si tartiib-tartiib ah ay usoo celiso u dalxiisadda Dadka si ay Lacag uga hesho maadaama Coronavirus uu sababay hoos u dhac dhaqaale.

Kooxaha gurmadka ayaa soo badbaadiyay Haween iyo carruur, goobaha qaar way dumeen balse waxaa laga soo bixiyay dadkii joogay si aanay ugu dumin sida uu sheegay sarkaal katirsan Kooxdaas oo Warbaahinta la hadlay.

“Ku dhawaad 60% Guryaha Deegaanka ayaa waxyeelo soo gaartay, Sida muuqata uma halis badna, waala badbaadiyay Dadka, waxa xiga waa in gacan muuqata lagu qabtaa Dadkaan” Sidaasi waxaa yiri I Nengah Kertawa oo madax ka ah Tuulada Bunga.

Degmada ugu daran ee Waxyaaladu Dhul-gariirku saameynta taban ku reebay ayaa ah Karangasem, waxaa burburay dhismo intooda badan waqti dheer ku yaallay, halka kuwo kale laga cabsi qabo in ay dhulka galaan.

Bulshada ugu badan ee Jasiirada Bali waa Hindu & Muslimiin, waxaana degen dad gaaraya 4-Milyan oo ruux sida lagu ogaaday xog-baaris lagu tira-koobay Dadka kunool Jasiiraddaan, dhibaatada ugu badan ay la kulmaan waa Dhul-gariirka & Folkaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here