Warbaahinta fadhigeedu yahay Maeykanka una jaranjeerta dhanka fikirka Jamhuuriga ah ee Fox News ayaa Axadii daabacdey maqaal ay uga faallootay xaalada abaareed, amni, la dagaalanka AlShabaab iyo hardanka quwadaha aduunka ee gudaha Soomaaliya.

Faallada oo Soomaaliya ku qeexdey “dal ajandayaasha dhabta ay qarsoon yihiin” ayaa daaha ka rogtay in hardanka dalalka tunka weyn uu xukuumadda ku shaqeysa caasimadda Muqdisho “u qasayo cabitaan mushakal sun ah”.

“Soomaaliya waa dal shidaal leh. Khuburadda waxay xaqiijiyeen 30 bilyan oo barmiil ah. Shirkadaha reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka ayaa si weyn u daneynaya. Balse, xukuumadda Washington waxay culeys kala kulmaysaa waddanka Shiinaha,” ayay sii raacisay qormadda.

Beijing ayay qeexdey in ay waligeed joojin taageerada ay siiso Soomaaliya, taa beddelkeedana ayna kaalin ku leedahay in ka badan 80 mashruuc oo kaabayaasha dhaqaalaha ah sida isbitaallada iyo waddooyinka waaweyn.

“Intaas waxaa wehlisa, Soomaaliya waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ah ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha, iyadoo Beijing ay abuurtay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika,” ayay hoosta ka xariiqdey.

Ma jiro mas’uul jago noocaas oo kale u haya Washington. Beijing waxay il gaar ah ku haysaa Soomaaliya, oo ku taal meel u dhow marinka Suweys ee muhiimka ah, leh xeebta ugu dheer Afrika, oo ah qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruuca ganacsiga China ee Belt and Road.

Aragtiyaha is-hartinaya

Aragtiyo aad u kala duwan ayaa ka gadaal ka riixaya damaca xukuumadaha Washington iyo Beijing ee Soomaaliya.

Balse, waxay ka mideysan yihiin in mid walba uu tooshka ku ifinayo sidii uu danahiisa u heli lahaa. “Waxaan u aragnaa dalalka Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, inay yihiin xulafo mudnaan mudan oo caalami ah iyo gobolka,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u sheegay Fox News Digital.

Wuxuu raaciyey: “Waxaa naga go’an inaan taageerno dadaallada ay hormuudka ka yihiin Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee looga hortagayo khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagaxisada ah”.

“Faragelinta dibada”

Ergeyga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan gobolka, Xue Bing, ayaa ku andacoodey “xikmad Shiinees ah waxay soo jeedinaysaa quruumaha shisheeye sida Mareykanka inay ka baxaan dalalka madax-banaan”.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay “inay ka takhalusto faragelinta dibadeed, waxaan ixtiraameynaa oo aan taageernaa dalalka gobolka si ay u xalliyaan khilaafkooda si madax-bannaan”.

Kansarka bud-dhiga u ah loolankan juqraafi siyaasadeed waa Al-Shabaab. Kooxda ayaa hadda wajahaysa cadaadis xooggan. Dedaaladan waxay ka dhasheen guluf ay shacabka qeyb ka yihiin. Guul ka gaarida ololahan waxaa la rajeynayaan in ay soo afjari doono faragelinta dowladaha caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here