
KYIV (DAYNIILE.COM)-Ukraine ayaa dib ugu celisay isku daygii Ruushka ahaa ee uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo kaabayaasha tamarta iyada oo la adeegsanayo duqeymo xagga cirka ah oo ku guuleystay in ay carqaladeeyaan korontada iyo kuleylka laba magaalo oo ku yaal xadka.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kyiv iyo gantaallada ayaa jaray korontadii iyo kulaylkii Axaddii magaalooyinka Belgorod ee Ruushka oo u dhow xudduudda iyo Voronezh oo ku dhow 300km (186 mayl).
Belgorod, guddoomiyaha deegaanka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in weerarrada gantaallada ay sababeen “waxyeello xun” oo soo gaartay korantada iyo nidaamyada kuleylka ee magaalada, taasoo saameysay ilaa 20,000 qoys.
Alexander Gusev, oo ah guddoomiyaha gobolka Voronezh, ayaa sheegay in dhowr diyaaradood ay si elektaroonik ah ku xayirmeen magaalada – oo ay ku nool yihiin in ka badan hal milyan oo qof – waxayna dab ka kaceen xarun tasiilaad oo maxalli ah oo si degdeg ah loo damiyay.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaan lagu soo hadal qaadin deegaanada Voronezh iyo Belgorod midkood, iyadoo sheegtay in 44 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee Ukraine la burburiyay ama ay dhexda u galeen ciidamada Ruushka xilli habeen ah.
Maamulka maxalliga ah ee gobolka Rostov ayaa sidoo kale sheegay in muddo saacado ah madoobaado magaalada Taganrog, oo ay ku nool yihiin ilaa 240,000 oo qof, iyaga oo ku eedeeyay in ay sabab u tahay daminta degdegga ah ee khadka korontada. Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in goob u dhow tarabsfoorrada uu dab qabsaday.
Dhanka kale, Ruushka ayaa duqeymo habeenimo ah ku qaaday Ukraine diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, kuwaasoo bar-tilmaameedsaday xarumo ay ka mid yihiin laba warshadood oo tamarta Nukliyeerka ah, waxaana ku dhintay toddoba qof, sida ay saraakiisha Ukraine u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
