AVDIIVKA (DAYNIILE.COM)-Ukraine ayaa ku eedaysay Ruushka inuu dilay maxaabiis aan hubaysnayn ka dib markii qabsadeen Magaalada  Avdiivka oo Ukraine ka tirsan ka dib markii muuqaallo muujinaya dilkaasi lagu  faafiyay app-ka fariimaha Telegram.

Eedeymaha ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay toogasho ku dileen 8 askari oo Ukraine u dhashay oo aan hubeysneyn kadib la wareegistooda magaalada Avdiivka.

Advertisement

Adeegga Amniga ee Ukraine, oo uu hagayo Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Donetsk, ayaa furay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dilka maxaabiista aan hubaysnayn ee dagaalka ee Avdiivka iyo tuulada Vesele, warbaahinta ay dawladdu maamusho ee Ukrinform ayaa sidaas sheegtay Isniinta maanta ah.

Ukrinform ayaa sheegtay in cadaymaha dilka lagu wadaagay app-ka fariimaha ee Telegram, oo ay ku jiraan muuqaal muujinaya askari Ruush ah oo meel dhow ku tooganaya laba askari oo Ukraine ah oo la qabtay.

Ukraine ayaa marar badan ku eedaysay Ruushka dilal sharci darro ah iyo dembiyo kale oo dagaal tan iyo markii Moscow ay billowday duullaan ballaaran oo ay ku qaaday deriskeeda bishii Febraayo 2022. Ruushka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Ukraine inay geysatay xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Ruushka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in uu si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Avdiivka kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Ukraine taas oo noqonaysa faa’iidooyinkii ugu waynaa ee Moscow soo gaadhay tan iyo burburkii Bakhmut ee bishii May ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa qabsashada magaalada ku tilmaamay “guul muhiim ah” dagaalka ku dhawaad ​​laba sano socday.

lama yaqaan waxay ay Ruushku kaga jawaabi doonaan eedeymahaan ka yimid dhanka Ukraine madaama aysan wali si cad uga jawaabin eedeymahaan.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

urkaine

Previous articleSAWIRRO: Nolosha Barakacayaasha Rafax xili Yuhuudu ku hanjabtay weerar dhulka ah
Next articleYuhuuda oo muujisay Cabsida ay ka qabto weerar diyaaradeed oo kaga yimaada Ururka Xisbullaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here