HomeCiyaaraha“Uma qalmo inuu xirto Maaliyadda United” Tim Sherwood oo weerar afka ah...

“Uma qalmo inuu xirto Maaliyadda United” Tim Sherwood oo weerar afka ah ku beegsaday Xiddig United ka tirsan

XIGASHO LAACIB.NET

Tim Sherwood ayaa weerar afka ah ku qaaday weeraryahanka Manchester United, Benjamin Šeško, isagoo sheegay inuusan ahayn ciyaaryahan u qalma inuu xirto maaliyadda kooxdaas, inkastoo uu xalay labo gool ka dhaliyay kooxda Burnley. Ciyaar ku dhammaatay 2-2, oo ahayd kulankii ugu horreeyay ee Darren Fletcher uu hoggaamiyo kooxda ka dib ceyrintii Ruben Amorim.

Sherwood, oo ka hadlayay Sky Sports, ayaa sheegay in Šeško uu ku dhibtoonayay horyaalka tan iyo markii uu ku soo biiray United xagaagii, wuxuuna ku adkeystay inuusan lahayn awood iyo tayo ku filan. “Waqti xaadirkan, Šeško ma xirteen maaliyadda Man United haddii aan go’aanka aniga lahaan lahaa,” ayuu yiri Sherwood intii ay ciyaartu socotay, isagoo xitaa soo jeediyay in qaybtii nasashada la beddelo oo aan marnaba dib loo ciyaarsiin.

In kasta oo Šeško uu labada gool dhaliyay qaybtii dambe, Sherwood ma uusan beddelin ra’yigiisii, wuxuuna yiri:

“Waxa togan waa inuu goolal dhaliyay, waxaana rajaynayaa inay siiso xoogaa kalsooni ah. Waxay ku qaadatay lix bilood inuu soo muuqdo… laakiin waxaan ku taaganahay ra’yigeyga; ma aha mid ku wanaagsan inuu u ciyaaro Manchester United. Wuxuu ismuujiyay hal kulan oo uu ka hor tagay Burnley, kuwaas oo dhowaan la rajeynayo inay u dhacaan heerka labaad.”

Sherwood ayaa sidoo kale aaminsan in United ay lumisay xakamaynta ciyaarta markii uu garoonka ka baxay Bruno Fernandes, isagoo sheegay in kooxdu ay weli u baahan tahay tayo badan si ay ugu tartamaan afarta boos ee ugu sarreeya.

Taageerayaasha Manchester United ayaa baraha bulshada ku dhaliilay hadallada Sherwood, iyagoo ku tilmaamay qof si xun u weeraraya ciyaaryahan dhalinyaro ah oo hadda bilaabay inuu shabaqa soo taabto.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -