Madaxweyne Deni ayaa iska diiday kaqeybgalka shir ay madaxda DFS iyo Dawlad gobaleedyada ku yeelanayaan magaalada Baydhabo 15-ka bishan, isagoo diiday fariimo dhexdhexaadin ah oo kayimi wakiilada caalamiga ah.

Advertisement

Deni ayaa diiday in uu madashan yimaado, iyadoo ay joogaan madaxda Jubbaland iyo Dawladda Federaalka oo khilaaf kala dhaxeeyo.

24-kii bishii hore ayay ahayd in la qabto shirkan, balse dib ayuu u dhacay, si Siciid Deni looga dabciyo go’aankiisa, laguma guuleysan.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa amray joojinta 17 mashruuc oo Puntland laga hirgalin lahaa, si loogu qasbo Siciid Deni gorgortan in uu galo.