HomeCiyaarahaUPDATE: Toddobo xul oo usoo gudbay wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Qaaradda...

UPDATE: Toddobo xul oo usoo gudbay wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2025

XIGASHO LAACIB.NET

Ugu yaraan toddoba xul ayaa hadda xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika ee 2025.

Tunisia ayaa noqotay xulkii ugu dambeeyay ee u gudba wareegga xiga kadib markii ay barbaro 1–1 la gashay Tanzania kulankoodii ugu dambeeyay ee Group C, kaas oo dhacay fiidkii talaadada.

Tunisia ayaa kulankoodii furitaanka ku garaacay Uganda 2–0, balse kulankii labaad waxay si ciriiri ah 3–2 ugu guuldarreysteen Nigeria.

Kulankii ay la ciyaareen Tanzania, Ismael Gharbi ayaa hoggaanka Tunisia ugu dhiibay gool rigoore ah wax yar ka hor dhammaadka qeybtii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Tanzania ayaa barbaraha keentay saddex daqiiqo kadib bilowgii qeybta labaad, waxaana goolka u dhaliyay Feisal Salum.

Barbarahan ayaa ka dhigan in Tunisia ay ku dhammaysan doonto kaalinta labaad ee group-ka, iyagoo ka dambeeya Nigeria.

Tunisia waxay ku biiri doontaa xulal kale oo horey u xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga xiga, sida Algeria, Koonfur Afrika, Morocco, Masar (Egypt) iyo Mali.

XIGASHO LAACIB.NET
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -